intro_desktop
intro_mobile
Tabaruca Laanqayrta Cas ee Jarmalka
Ma jiraan shuruudo rasmi ah oo ku saabsan tabarucnimada Laanqayrta Cas ee Jarmalka. Uma baahnid inaad si fiican ugu hadashid Jarmalka, aad haysato Shahaado ama shaqo. Qof kasta oo waafaqsan mabaadii’da Laanqayrta Cas ayaa ka qayb qaadan kara.
Mabaadii’da Laanqayrta Cas:
Mabaadii’da Laanqayrta Cas:
Bini‘aadnimo
Waxaan caawinaa dadka-
Ixtiraamka sharaftooda
Madaxbanaanida
Waxaan u dhaqmaynaa si waafaqsan mabaadiidayada –
kumana tiirino nafteena dad kale
Eex la’aan
Waxaan caawinaa dadkoo dhan –
oo keliya qiyaasta baahida
Isku mid ah
Waxaan nahay hal Laanqayrta Cas ah – oo meel kasta iyo qof walba
Iskaa wax u qabsi
Waxaan u sameynaynaa bini’aadnimo –
oo aan faa’iido doon ahayn
Caalami ahaaneed
Waxaan caawinaa adduunka oo dhan – iyo si lammaane u ah himilooyinkeena guud
Dhexdhexaadnimo
Waxaan qaadnaa hindisaha –
oo aan ahayn Xisbi
einsatzdauer_desktop
Siyaabo badan ayaa looga tabaruci karaa Laanqayrta Cas ee Jarmalka.
Waad ka qaybgeli kartaa wakhti go‘an, tusaale ahaan mashruuc loogu talagalay Carruurta, Dhalinyarada iyo Waaxeelka. Waxaad sidoo kale tallaabo uga qaadi kartaa iskaa wax u qabso, haddii gacmo badan oo oo caawitaan ah loo baahdo markii ay dhacdo duufaan – ama daad. Haddii aad si gaar ah u jeceshahay goob hawleed oo ah Laanqayrta Cas, waxaad sidoo kale ka qaybqaadan kartaa mustaqbalka fog oo aad sii xoojin kartaa, aagga awoodaada iyo xirfadahaaga. Qaar kamid ah Mutadawiciinta, xitaa waxaa muhiim u ah, inay taageeraan Laanqayrta Cas muddo dheer. Qaarna waa in la siiyaa wakhti yar oo dheeraad ah, qaarna uma baahna in markasta la siiyo wakhti.
einsatzdauer_mobile
Siyaabo badan ayaa looga tabaruci karaa Laanqayrta Cas ee Jarmalka.
Muddada dabacsan ee shaqada ee Laanqayrta Cas ee Jarmalka
Waad ka qaybgeli kartaa wakhti go‘an, tusaale ahaan mashruuc loogu talagalay Carruurta, Dhalinyarada iyo Waaxeelka. Waxaad sidoo kale tallaabo uga qaadi kartaa iskaa wax u qabso, haddii gacmo badan oo oo caawitaan ah loo baahdo markii ay dhacdo duufaan – ama daad. Haddii aad si gaar ah u jeceshahay goob hawleed oo ah Laanqayrta Cas, waxaad sidoo kale ka qaybqaadan kartaa mustaqbalka fog oo aad sii xoojin kartaa, aagga awoodaada iyo xirfadahaaga. Qaar kamid ah Mutadawiciinta, xitaa waxaa muhiim u ah, inay taageeraan Laanqayrta Cas muddo dheer. Qaarna waa in la siiyaa wakhti yar oo dheeraad ah, qaarna uma baahna in markasta la siiyo wakhti.
turm_desktop
turm_mobile
Tabaruc ahaan waad oga tabaruci kartaa Laanqayrta Cas ee Jarmalka qaybahaan:
Adeegyada caafimaadka ee Dhacdooyinka
Caawinta shilka kadib ama musiibada
Samatabixinta, biyaha ama buuraha
Caawinta ku-deeqidda dhiigga
Booqashada dadka da’da ah ee xiriir kooban la leh Bulshada
Magangalyo-doonka caawinta imaatinkooda
soo- bandhigga Isboortiga-iyo dhaqdhaqaaqa
wadashaqaynta Dukaamada dharka
hirgelinta Mashruucaadkaaga
Kaqeybqaado Laanqayrta Cas ee Dhalinyarada
iyo waxbadan oo dheeri ah!
Wax qabadka adiga iyo DRK ku habboon, waxaa ugu fiican in lagu cadeeyo wadahadal shakhsiyeed.
Haddii aad jeceshahay inaad ka qaybqaadato Laanqayrta Cas ee Jarmalka, waxaad had iyo jeer la xiriiri kartaa Laanqayrta Cas ee Jarmalka ee meesha aad joogto. Ama waxaad noo soo diri kartaa weydiinta, adoo isticmaalaya foomka xiriirka.
Anker #vorteile
vorteile_desktop
Faa’iidooyinka tabarucidda
Barashada dadka
Cid kasta oo ka qaybqaadata Laanqayrta Cas ee Jarmalka, wuxuu qayb ka noqdaa beel weyn. Tabaruc ahaan waxaad la xiriiri kartaa dadka agtaada ah. Waxaad la shaqaynaysaa asxaab iskaa wax u qabso ah oo waxaad siinaysaa una fidinaysaa caawitaankaaga dadka degaanka ah.
Qoto dheer ee xirfadaha luqadda
Xitaa haddii aadan ku hadlin weli af-Jarmal fiican, waad ku lug yeelan kartaa Laanqayrta Cas ee Jarmalka. Adigoo la shaqeynaya dadka kale, waxaad awoodaa wixii aad ku soo baratay koorsada luqadda, inaad u adeegsato nolol maalmeedkaaga iyo aqoontaada Jarmalkuna inuu sii fiicnaanayo.
Rajo ah, shaqooyinka lacagta ah
Hawsha tabaruca ah waxaad sidoo kale ku baran doontaa waxyaabo kale. Ma jiro qof u baahan aqoon hore oo khaas ah, maxaa yeelay waxaan tababarnaa qof kasta oo raba inuu ka qayb qaato. Qof kasta oo khibrad leh, wuxuu sii wanaajin karaa aqoontiisa, kuna takhasusi karaa. Tabaruciddu waxay markaa kaa caawin kartaa inaad shaqo hesho.
La imaanshaha xirfadahaaga
Qof kasta wuxuu leeyahay xirfado uu ku caawin karaa kuwa kale. Tabaruc ahaan marka aad ka qaybqaadanayso Laanqayrta Cas ee Jarmalka, waxaad ka qaybqaadan kartaa Bulshada oo aad ku xoojin kartaa ururkeena.
Xiisada Bulshada
Ugu dambeyntiim tabaruciddu waxay leedahay xiiso badan! Wakhti yar iyo furfurnaanta kala duwanaanshaha dadka, qof walba wuu ku lug yeelan karaa qofka doonaya inuu si wadajir ah ugu shaqeeyo sabab wanaagsan oo dadka kale ah.
vorteile_mobile

Laanqayrta Cas ee Jarmalka
Laanqayrta Cas ee Jarmalka
Ururka Laanqayrta Cas waa Urur ka shaqeeya adduunka oo dhan, si loo hubiyo in dadku si wanaagsan ugu noolaan karaan, in ay caafimaad qabaan, oo ku sii sugnaadaan caafimaad, inay ka helaan ilaanlin Masiibooyinka, Dhibaatooyinka iyo Dagaalada. Astaanta dhaqdhaqaaqa caalamiga ahi dalal badan waa Ururka Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee wadamada qaarkood.
Iyaga oo leh 190 Ururo Qaran, Ururka Laanqayrta Cas ee caalamiga ah iyo Bisha Cas waa Ururka ugu weyn ee bini’aadamnimada ee adduunka. Ururka Laanqayrta Cas ee Jarmalka waa qayb ka mid ah Bulshadaan caalamiga ah, oo bixinaysa in ka badan 150 Sano caawinaad dhamaystiran dadka ku sugan xaaladaha isku dhaca, Musiibooyinka iyo caafimaadka ama xaaladaha degdegga ah ee Bulshada, oo keliya marka la eego heerka baahida.
Sanadihii badnaa ee uu jiray, Ururka Laanqayrta Cas wuxuu kasbaday khibrad aad u badan dhibaatada dadka iyo kaalmada lagama maarmaanka ah sidaa darteedna wuxuu bixin karaa taageero xirfadeed oo takhasus leh. Si loo hubiyo in kaalmadaan xirfadda leh inay gaarto meel kasta oo looga baahanyahay, Ururka Laanqayrta Cas wuxuu ku tiirsan yahay taageerada Tabarucayaasha, kuwaas oo taageeridda dadku ay u tahay Arrin qalbi.
Fikradeena waxaa taageera inka badan 100 Milyan oo caawiyayaal ah iyo xubno ka socda daafaha adduunka. Jarmalka gudahiisa ku dhawaad saddex Milyan oo qof ayaa tabaruc u ah Laanqayrta Cas.
stift_desktop
Animation Stift (Desktop + Mobile)
Xiriirka
Waxaa maalgeliyey